Qalabka ciidanka oo qandaraas lagu siiyay Muuse Biixi walaalkii
Hargeysa 14 August, 2022 (QJ)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa marar badan codsiyo u gudbiyay hay’adaha taageera iyo hawl galada shisheeye ee kharashaadka siiya sida Midawga Yurub, iyagoo raba qalab kala duwan iyo hubka rabshadaha lagaga hor tago.
Qurbejoog ayaa ogaatay in xukuumaddu ku fashilmay in ay hay’adaha ka hesho sunta dadka ka ilmaysiisa, qalabka ciidanka ee rabshadaha sida gamcaha iyo muraayadaha, iyo qalab kale.
Nin ay walaalo yihiin Muuse Biixi ayaa la siiyay qandaraas adduun badan lagu bixiyay oo ku soo iibiyay sunta dadka ka ilmaysiisa, muraayadaha rabshadaha ay xidhaan ciidamadu, iyo qalab kale oo difaac oo ciidamada loogu talo galay. Qurbejoog waxay ku daba jirtaa in ay hesho lacagata qandaraaska oo malaayiin doollar lagu sheegay.
Qalabkan ayaa lagu arkay ciidamada maalintii Khamiista oo Somaliland dibad baxyo ka dhaceen.
Tallaabadan ayaa dhaawacaysa hanaanka daahfurnaanta ee Somaliland, iyadoo muujinaysa sida xukuumadda Muuse Biixi ugu naas nuujinayso dad gaar ah mashaariicda dalka oo adduun badan lagu bixiyo.