|

Qalab Ciidan oo Isu Taga Imaaraadku ugu Deeqeen Ciidanka Xooga dalka Somalia

Muqdisho 16.Nov 2013 (SDN)- Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta qalab ciidan ugu deeqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gawaadhi-300x239Qalabka loogu deeqay dowladda Soomaaliya ayaa isugu jiray 10 gaari oo ah nooca ay Soomaalida u taqaanno Cabdi bile, laba gaadiidka dabdamiska ah, gaari nooca gurmadka degdegga ah iyo shan kun oo dareeska ciidanka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed oo guddoomay qalabka ayaa tilmaamay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay dhinacyo badan ka taageerto Soomaaliya.

Wuxuu xusay in deeqda la guddoonsiiyay ay wax ka tari doonto dardar-gelinta howlaha ciidanka dowladda, isagoo ka mahadceliayay deeqda.

Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada kala duwan ee ay u fidiso Soomaaliya.

Wuxuu carrabaabay in deeqdan ay tahay mid hor dhac u ah gargaar kala duwan oo dowladda Imaaraadku ay u fidin doonto Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed