|

Qadar oo Soomaaliya ka caawineysa ladagaalanka Al Shabaab

Doxa February 20, 2024 (QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa soo dhaweyn ballaaran kala kulmay Wasiirka Difaaca Dowladda Qatar, Sarreeye Guuto Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit oo booqasho ku jooga dalka Qatar.

Labada Taliye ayaa kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada dhinac walba ah ee la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii deeq waxbarasho loo siin lahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Qatar doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, wuxuuna caddeeyay in xiriirka labada dal uu sii xoogeysan doono.

Ugu dambeyn, u qeybsanaha ciidamada dowladda Qatar ee Soomaaliya, Salem bin Hamad bin Mohammed bin Caqeel Al Nabit ayaa u gudbiyay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee kala duwan iyo sidii ay uga caawin lahaayeen dhanka ciidamada iyo arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya.

Comments are closed