Qaar ka mid ah ururada siyaasada oo kulan yeeshay
Hargeysa Jan 02,2012(qurbejoog.com)-Qaar ka mid ah ururada siyaasada ee dhawaanta isdiiwaangeliyay ayaa bilaabay olole ay ku mideynayaan hadafkooda siyaasadeed sidii uu u meel mari lahaa.
Ururada cusub ee RAYS, UMMADDA, HORYAAL, XAQSOOR iyo UDHIS oo maanta kulan Hargeysa ku yeeshay ayaa ka wada hadalay sidii ay doorashooyinka soo socda u heli lahaayeen nidaam waafi ah oo ay ku kala baxaan.
Kulankii maanta ee ururada ayaa waxa soo jeediyay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md Xasan Ciise Jaamac waxaana lagu qabtay hotelka Hadhwanaag.
Ururada maanta kulmay ayaa dib u balamay si ay ururada kale fursad ugu siiyaan ka qeybgalka guddi ay yeelanayaan oo diiwaangelinta ka shaqeeya.
Qurbejoog-Hargeysa