|

Qaar ka Mid ah Salaadiinta Beesha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la soo dhaq dhaqaajiyay oo Taageeray Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa 11.June 2014 (SDN/QJ)- Salaadiin iyo Cuqaal ka tirsan Beesha Subeel awal ayaa Duhurkii shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada  Hargeysa waxay ku sheegeen in ay taageersan yihiin Musharaxnimada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isla markaana waxay ku ayideen Go’aankii Golaha Guurtiddu ka soo saaray Khilaafka Kulmiye ee ay aqbaleen Madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

subeer1Salaadiinta Subeer awal waxa ay sheegeen beesha ay ka soo jeedaan ee ay Madax dhaqameedka u yihiin inay tahay beeshii Madaxweyne Siilaanyo Kursiga saartay, imikana ay ku ilaalinayaan, iyagoo soo dhaweeyey Musharaxnimadiisa shanta sano ee soo socota.

Subeer 2Salaadiintu waxa ay sheegeen maadaama ay yihiin Beesha ugu culus ee Xisbiga taageerta inay sugayeen inta ay beelaha kale hadlayaan, isla markaana waxay si adag uga hadleen dadka af-lagaadada mar marinayey beesha subeer Awal.

Salaadiinta Subeer Awal waxay Beeshooda uga digeen inay taageeraan dadka war xuma tashiilka ah ee nabadgelyada Dalku haysto doonaya inay u burburiyaan siyaasadda, iyagoo sheegay beeshu inay si buuxda u ayidsan tahay Xukuumadda talada haysa iyo wax qabadkeeda.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed