|

Qaahira: Dacwaddii ku socotay Madaxweyne Xusni Mubarak, wiilashiisa iyo saraakiil dawladdiisii ka tirsanaa oo Maxkamaddu gunaanaday

Qaahira 02, June 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamad ku taala magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, ayaa xukun ka gaadhay dacwad muddo dheer la sugayay oo ku socotay Madaxweynihii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubarak, saraakiil sare oo maamulkiisii ka tirsanaa, laba wiil oo uu dhalay iyo shaqsiyaad kale.

Mr. Mubarak oo 84 jir ah, waxa xukunka laga tuuray sannadkii hore ka dib 18 maalmood oo kacdoon dadweyne oo lagaga soo horjeeday xukunka lagaga tuuray.

Maxkamaddu waxay Xusni Mubarak ku xukuntay xabsi-daa’im, sidoo kale, waxay xukun xabsi’daa’im ah ku riday wasiirkiisii Arrimaha Gudaha Xabiib al-Cadli.

Maxkamaddu waxay dambi ku wayday labadii wiil ee uu dhalay Xusni Mubarak oo kala ah; Jamal iyo Calaa, kuwaasoo loo haystay eedaymo musuqmaasuq. Sidoo kalena, waxay dambi ku wayday Xuseen Saalim oo ah nin maalqabeen ah oo eedaysnaa iyo lix sarkaal oo dawladdii la riday ka tirsanaa.

Mohammed Hosni Mubarak waxa uu dhashay May 4, 1928, wuxuuna ku dhashay tuulada Kafr el-Moseilha ee webiga Nile ee gobolka Menoufia. Si la mid ah madaxweyneyaashii ka horeeyay ee Jamaal Cabdinaasir iyo Anwar al-Saadaat, qoyska Mubarak waxay ahaayeen kuwo nolol ahaan ku jiray dabaqada hoose.

Markii lagu dhaaway xukunka, waxa rabshado sameeyay dadweyne dibadda ka joogay dhismaha Maxkamaddu ee caasimadda Qaahira, kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo ay xukunkiisa kaga soo horjeedaan.

Dhinaca kale, waxa jiray dadweyne aad ugu riyaaqay xukunka lagu riday Maxamed Xusni Mubarak oo 30 sannadood xukumayay dalka Masar.

Qurbejoog.com, Qaahira

Comments are closed