Qaadka oo UK maanta ka mumnuuca iyo waxa uu muteysan karo Ruuxa lagu qabto
London June 24,2014(SDN/QJ)-Waxa maanta mudo dheer oo qaadka laga cuni jiray dalka UK dabadeed la mumnuucay cunida iyo ka ganacsigiisa.
Qaadka ayaa maanta ah maalintii u horeysay ee UK ruuxa lagu qabto uu ku muteysan karo xarig iyo xabsi dheer.
Ciidamada Police-ka ee UK magaalooyinkooda kala duwan ayaa todobaadyadii u danbeeyay wadey olole wacyi geli ah oo dadka loogu sheegayo in Qaadka cidii lagu qabtaa xabsi iyo ganaax la isu raacin doono.
Olole dheer oo sanado qaatay ka dib ayaa maandooriyaha qaadka dalka UK looga aqoonsaday in uu yahay mumnuuc ama waxa loo yaaqaano class c drug.
Ruuxa lagu qabto Qaadka kiyoo cunaya ayaa muteysan kara 2 sanadood oo xarig ah iyo ganaax aan la cayimin,halka ruuxa kioo Qaadka ka ganacsanayo la qabto uu 14 sanadood oo xarig ah ku muteysan karo.
Si kastaba ha ahaatee waxa maanta magaalooyinka UK laga dareemayaa in dadkii qaadka cuni jiray uu saaka u beryay waa cusub oo waayihiisa leh.
Laba mid ayay u noqon doontaa dadkii Qaadka cuni jiray, waa midee in noloshooda ay daba qabtaan oo waayaha cusub wejahaan iyo in qaadiradu malo awaal tusto oo ay cawaaqib xumo kala kulmaan daba socodka maandooriyaaha qaadka.
SDN/QJ-London
contact@qurbejoog.com