Qaadhaan lacageed oo loogu yaboohay Wadadda Ceerigaabo iyo Burco
Hargaysa 15.Nov 2013 (SDN)- Gudida dhismaha wadada Ceerigaabo ayaa caawa ka gudoomay jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Turku ee dalka Finland qaadhaan lacageed oo gaadhaya afar kun oo dollarka Maraykanka ah.
Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Hargaysa oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan gudida dhismaha ee wadada ceerigaabo iyo qaar ka mid ah ururada bulshada ayaa marwo rooda Cabdilaahi oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Turku ee dalka Finland kana mid ah jaaliyadda Somaliland ee halkaa ku dhaqan waxa ay qaadhaankaas gudoonsiiyey Gudoomiye ku xigeenka gudida dhismaha wadada ceerigaabo Xildhibaan C/raxmaan Maxamed talyanle oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland.
Xildhibaanad Rooda cabdilaahi oo ka hadashay munasabadaasi waxa ay ballanqaaday in jaaliyadda qaadhaankan bixisay ay sii wadi doonaan tan iyo inta uu mashruucaasi hirgelayo.
Dhankoodana Xildhibaan C/raxmaan Maxamed talyanle iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye NacNac oo labadooduba ka tirsan gudida wadada ceerigaabo ayaa si weyn ugaga mahadnaqay xildhibaanada iyo guud ahaan jaaliyadda magaalada Turku ee dalka Finland qaadhaanka ay kaga qayb qaadanayaan wadadaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com