Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamiga ah oo Somaliland ku canaantay dhacdadii Xisbiga KULMIYE kula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
Hargeysa 01, May 2012 (Qurbejoog.com)- Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera dhinaca taabogelinta Dimoqraadiyadda, ayaa muujiyay siday uga xun yihiin falkii dhowaan xisbiga talada haya ee Kulmiye oo xukuumadda kaashanayaa kula kacay Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo ahaa guddoomiye kuxigeenka 2aad ee xisbigaas.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan ay guddiga Qaadhaan-bixiyeyaasha masuulka ka ahi ka soosaareen dhacdadaas oo sababtay in nabar dhabarka kaga yaalay damqado Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, Qaadhaan-bixiyeyaasha ajaanibka ahi waxay sidaa ku cadeeyeen kulan ay todobaadkan magaalada Nairobi kula yeesheen wefti ka socday Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Weftiga Komishanka oo ka koobnaa saddex xubnood, isla markaana uu hoggaaminayay guddoomiyaha KDQ Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed, waxay Jimcihii todobaadkan gaadheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo fadhiisin u ah guddi lagu magacaabo Steering Committee oo masuul ka ah lacagaha ay dalalka reer Galbeedku ku taageeraan taabogelinta hanaanka Dimoqraadiyadeed ee Somaliland.
Ujeedada socdaalka weftiga Komishanku waxay ahayd sidii ay Qaadhaan-bixiyeyaasha ugu bandhigi lahaayeen baahiyaha dhinaca dhaqaalaha iyo qorsheyaasha la xidhiidha diyaargarawga iyo qabashada doorashada raagtay ee goleyaasha Deegaanada Somaliland.
Hase yeeshee, guddiga Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay xubnaha Komishanka u muujiyeen siday uga xun yihiin dhacdadii ka dhacday gunaanadka shirkii golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, ee sida xooga ah dibada looga saaray, xilkana lagaga qaaday Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, guddoomiye kuxigeenkii xisbigaas.
Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay weftiga Komishanka Doorashooyinka u caddeeyeen inay ka xun yihiin dhacdadaas iyo in Dimoqraadiyadda dalka ee ay taageerayeen fal noocaas ahi ka dhaco.
Siday ilahaasi tibaaxeen, guddiga Steering Committee waxay sheegeen in tani tahay mid meel-ka-dhac ku ah Dimoqraadiyadda iyo tacabkii ay galiyeen hanaanka ay muddada dheer reer Somaliland ka taageerayeen.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee Nairobi tegay oo laba maalmood ka hor dalka ku soo laabtay, waxay kala ahaayeen, guddoomiyaha KDQ En. Ciise Yuusuf Maxamed, (Xamari), Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) iyo Cabdifataax Ibraahim Sheekh Xasan.
Qurbejoog.com, Hargeysa