Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee Dimoqraadiyaynta Somaliland oo cambaareeyay rabshadihii Hargeysa ka dhacay, tallooyin muhiim ahna soo jeediyay
Nairobi 11, December 2012 (SDN)- Guddiga isku-dubaridka barnaamijka dimoqraadiyaynta Somaliland oo fadhigoodu yahay Nairobi, ayaa cambaareeyay rabshado shaacintii natiijada ka dhashay oo dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa.
Qoraal ay guddigu soosaareen, waxay ku taageereen talaabooyinka ay qaadeen Komishanka Doorashooyinku, waxayna tallooyin u soo jeediyeen daneeyayaasha doorashada muranka dhalisay iyo guud ahaan Somaliland, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee barnaamijka dimoqraadiyaynta Somaliland waxay dhaleecaynayaan shaqaaqadii saamaysay Hargeysa ka dib natiijadii doorashada dawladaha Hoose, waxayna tacsi u dirayaan qoysaskii iyo dhibanayaashii ay saamaysay dhacdadaasi. Waxaanu u soo jeedinaynaa dadka reer Somaliland inay ilaashadaan nabada ay sida adag ugu guulaysteen, ayna tixgeliyaan hanaanka dimoqraadiyadda.
Haddaanu nahay saaxiibada caalamiga ah ee taageera geedi-socodka doorashooyinka iyo hay’addaha doorashooyinkaba, waxaanu ku kalsoonahay talaabada ay qaadeen guddiga doorashooyinka qaranku si ay u ilaaliyaan sharafta doorashada. Meelaha ay ka jiraan cabashooyin ku saabsan natiijada goobaha codbixintu, waxaa lagu xalin karaa iyadoo loo maro sifaha sharciga ah ee la isla qeexay. Sidaa darteed, dhamaan daneeyayaasha siyaasadda — hadday guulaysteen iyo haday guuldaraysteenba, waxay masuul ka yihiin inay taageeraan guud ahaanba karaamada hanaanka doorashooyinka. Horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaliland waa inaan khatar la gelin tiiyoo la qaadacayo natiijada doorashada si aan ka fiirsi lahayn.
Gudiga isku-dubaridka barnaamijka Dimoqraadiyadda oo ka kooban Danida (Denmark), EU, Sweden, Norway, USAID, UK iyo Switzerland.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com