Qaadhaan bixiyayaasha Iyo Dhinacyada Siyaasada Somaliland oo Kulamo Gaar gaar ah Yeeshay iyo Xogaha ka soo baxay
Hargaysa 05.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wefti ka socda qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera kobcinta dimoqraadiyada oo booqasho ku yimi dalka ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay, xukuumada, gudoomiyayaasha labada gole iyo xisbiyada siyaasada.
Siday sheegeen warar kulamadaa ku saabsan oo wargeyska Ogaal ka soo xigtay, illo ku dhawdhaw, weftiga qaadhaan bixiyayaashu waxa la sheegay inay la kulmeen xubno xukuumadda ka tirsan oo uu hormood u ahaa wasiirka Madaxtooyadu, isla markaana ay labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka. Siday xogahaasi tibaaxeen xukuumaddu dhinaceeda waxay weftiga u qadintay, inay diyaar u tahay inay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, wax dhinaceeda qabyo ka ahina aanay jirin. Warku wuxuu intaa ku daray, in xukuumaddu eedda u soo riixday dhinaca golayaasha baarlamaanka oo ay u nisbaysay inay doonayaan mudo korodhsi, balse ay xukuumadu diyaarisay wixii dhinaceeda looga baahnaa.
Weftigu waxa kale oo ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Guurtida oo ay xoguhu tibaaxeen, inuu weftiga u sheegay inuu si degdeg ah u fadhiisin doono golaha, una ansixin doono xeerka diiwaan gelinta, taasoo uu warku sheegay inay qaadhaan bixiyayaashu soo dhaweeyeen. Warku wuxuu intaa raaciyay, in weftigu waydiiyeen gudoomiyaha guurtida inuu muddo kordhin u samaynayo xukuumadda iyo in kale, isla markaana waxa la sheegay in gudoomiyuhu siiyay jawaab, nuxurkeeda u dhacayay, in aanuu isagu wadanin wax mudo kordhin ah, iyadoo aanay jirin duruufaha dastuurku jideeyay. Waxa kale oo weftigu kulan la qaatay gudoomiyaha golaha wakiiladda oo la sheegay isna inay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo ansixinta komishanka doorashooyinka. Sida xoguhu iftiimiyeen, gudoomiyaha wakiiladu wuxuu u sheegay weftigaa inuu ku raja wayn yahay in goluhu ansixiyo komishanka si hore loogu sii socdo.
Guud ahaan weftigu waxa kale oo ay la kulmeen xisbiyada siyaasada, waxaanay culays ku saareen dhinacyada siyaasada Somaliland inay kaga dhabeeyaan fulinta axdiyada, degdegna loo ansixiyo xeerka diiwaan gelinta iyo komishanka doorashooyinka.
Xigasho Wargayska Ogaal