Qaabkee Ayay Xukuumaddu u Hubisaa Badeecadaha Dalka Soo Gala iyo Tayadooda
Hargeys Mar 2013(SDN)- Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland Siciid Saleebaan Mire ayaa faahfaahin ka bixiyey Habka ay adeegsadaan marka ay baadhayaan Badeecadaha kala duwan ee wadanka la keenayo iyo waxyaabaha ay dagaalka kula jiraan Hay’addaasi. Guddoomiye Siciid Suleymaan Mire oo maalinta shalay qaarka mid ah warbaahinta dalka ugu warramayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Hay’addiisu Heegan ugu jirto sidii ay ula dagaalami lahayd in wadanka la keeno Badeecado wakhtigoodii dhacay amaba tayadoodu hoosayso.
“Hay’adda dhowrista Tayada Somaliland waxa ka go’an inay horjoogsato Badeecadaha dhacay, kuwa tayadoo u hoosayso iyo kuwa wakhtigii ay ku dhici lahaayeen soo dhawaaday, waana naga go’an tahay inaanay na soo dhaafin dhammaanba waxyaabahaas aanu dagaalka kula jirnaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Siciid suleymaan Mire Guddoomiyaha Hay’add dhawrista tayada Somaliland. Sidoo kale wax uu Guddoomiyuhu faahfaahin ka bixiyey qaabka iyo nidaamka ay u baadhaan Badeecadaha kala duwan ee waddanka soo gala, waxana uu yidhi.
“ Hadafkayagu waa inaanay dalka soo gelin badeecad dhicitaankeedu ka dhadhsan yahay wax ka yar lix bilood, annagoo dadka badeecadaha dalka keenay si adag u kaantaroolna una waydiinna su’aalo la xidhiidha waxa ay sitaan, kuwa daawooyinka keenaya waxa aanu waydiinaa waraaqo caddaynaya inay warshadda samaysay tahay mid la ictiraafsan yahay kana diiwaan gashan Rugta ganacsiga ee waddankaas lagu sameeyey iyo Dokuments kale oo caddaynaya waxyaabaha ay ka samaysan tahay, Raashinkan waxanu u baadhnaa Muuqaal ahaan iyo wakhtiga uu dhacayo oo aanu aad u hubino.”
Guddoomiye Siciid waxa kale oo uu sheegay inay Hay’addiisa sanadkan u qorshaysan tahay inay shaqaalaheedu helaan tababar wax ku ool ah oo ay Hay’ad reer Keniya ahi siinayso iyo sidii ay Shaybaadh casri ah udhisan lahaayeen, waxana uu yidhi,
“ Hay’adda sanadkan waxa u qorshaysan inay shaqaalaheedu helaan tababar faa’iido badan leh oo ay Hay’ad reer Kiiniya ahi bixin doonto, oo waliba Somaliland Gudaheeda lagu bixinayo iyo sidii aanu u dhisan lahayn Laboratory (shaybaadh) casri oo laga hirgelin doono magaalada Berbera, maadaama ay magaaladaasi tahay halka ay wax inooga soo degaan, kaas oo noo fududayn doona sidii wax badan looga ogaan lahaa Badeecadaha wadanka la keeno.”
Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu saxaafadda u soo bandhigay badeecado wakhtigoodii dhacay oo ay Hay’addiisu gacanta ku hayso, kuwaas oo diyaar u ah in la gubo oo la baabi’iyo. Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayada Somaliland Siciid Suleymaan Mire u soo jeediyey ganacsatada wadanka badeecadaha soo geliya inay il naxariis leh ku eegaan shacabkooda, islamarkaana dareemaan masuuliyadda iyo xilka ka saaran inay waddankooda soo geliyaan bucshurado tayo leh oo iyaguna ay wax ka faa’iidaan, kana dheeraadaan wax kasta oo magac xumo ku ah.
Xigasho Hubaal