Qaab Cusub oo Somalida loogu Khaarajiyo Magaalada Nairobi iyo Maydad Sadex qof oo Somali ah oo la helay
Nairobi 20.July 2014 (SDN/QJ)- Meydadka saddex qof oo Soomaalida ah ayaa laga helay goob lagu keydiyo meydadka oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Maxamuud Cabdi maxamuud oo ka mid ah meydadka la helay ayaa niman isku sheegay in ay ka tirsan yihiin laanta dambi barista Kenya ee CID waxay 23-kii bishan ka kaxaysteen goobtiisii ganacsi oo ku taalla xaafadda Islii.
Labada qof oo kale ayaan weli la aqoonsan, kuwaas oo meydkoodu yaallo isla goobta kaydinta meydadka ee Nairobi.
Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii, Md Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay in saddexda ninba lagu dilay ceejin, kaddib markii laga dhacay hanti u taallay bankiyo ku yaalla magaalada.
Xildhibaanka ayaa arrinta ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna ka codsaday dowladda Kenya in ay samayso baaritaan deg-deg ah oo lagu aqoonsanayo cidda ka dambeysey dilka saddexda qof, si loo maxkamadeeyo.
Falkan axmaqnimada iyo arxan-darrada ah ee lagu dilay saddexdaas Marxuum, ayaa kusoo beegmaysa iyaga oo Ciidammada Booliska Kenya ay tan iyo bishii Abril ee sannadkan 2014-ka howlgallo ay ku qabqabanayeen Soomaalida ku dhaqan waddanka Kenya, gaar ahaan Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah Xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool magaaladaasi.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com