Q.M oo dalbaday $60 milyan oo loogu gar gaaro Somalia
London 20.May 2014 (SDN/QJ)- Isuduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Soomaaliya Philippe Lazzarini oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka digay xaalado bini’aadannimo oo halis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya bilaha soo socda.
Philippe Lazzarini ayaa dalbaday 60 milyan oo doolar oo deg deg ah toddobaadyada soo socda si looga hor tago xaalado halis ah oo imaan kara.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax looga qabto daaweynta 50 kun oo caruur ah oo nafaqo-darro la il-daran, fududeynta gagaar la gaarsiiyo goobaha dagaallada ay ka dhaceen iyo helidda biyo nadiif ah oo la gaarsiiyo goobaha ay abaarta saameysay gaar ahaan gobollada woqooyi.
Isuduwaha ayaa sheegay in ay jirto xaalad qatar ah oo sababtay roobabka oo xilligooda kasoo daahay, dagaallo deegaannada qaar ka socda iyo sicirka raashinka oo kor u kacay, wuxuuna ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan.
Isuduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Philippe Lazzarini ayaa caddeeyay in sanadkan kaliya ay heleen 160 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagtii ay dalbadeen oo gaaraysay 133 milyan oo doollar.
Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in gagaar deg deg ah la gaarsiiyo 857 kun oo qof oo guryahooda ka barakacay iyo laba milyan oo qof u baahan gargaar cunto.
Isuduwaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay heleen ilaa lix digniin oo muujinaya in ay imaan karto xaalad halis ah, loona baahan yahay in laga hortago si aysan u dhicin abaartii saameysay dalka sanadkii 2011-ka.
London SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com