|

”Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xaduudeeda waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda” Wasiirka Warfaafinta Punt land {DHAGAYSO}

Garowe 16.March 2014 (SDN)- Dowladda Puntland ayaa ka hadashay socdaal uu madaxwaynaha  Somaliland maanta ku gaaray magalada Laasqoray oo ka tirsan Gobalka Sanaag ee Puntland.

INDHOShir jaraa’id uu galabta ku qabtay magalada Garowe wasiirka warfaafinta Puntlad Cabdiwali Xirsi Indhoguran ayuu ku sheegay Puntland inay ka xun tahay Socdaalka Siilaanyo ee Laasqoray ayna tahay daandaansi hor leh.

”Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xaduudeeda waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed,waxan aad uga xun nahay dhacdaasi dhacday anagoo ka fakaraynay darisnimo iyo wanaaga”Indhoguran ayaa yiri.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa ka danbaysay ka dib markii socdaal  uu madaxwayne Siilaanyo saaka ku aaday magalada Laasqoray halkaasoo uu dadkii uu la kulmay balan qaad ugu sameeyay isla markasna dhagax dhigay dekadda Laasqoray.

Waa markii ugu horaysay masuul sare oo ka tirsan Somaliland uu socdaal ku tago magalada Laasqoray oo Somaliland iyo Punt landba ay sheegtaan uu ku tago Magaaladaas.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa wali ku sugan Gobalka Sanaag waxaana maanta qado loogu sameeyay deegaan ku yaala waqooyiga magalada Laasqoray gaar ahaan Degmada Maydh.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA WASIIRKA WARFAAFINTA PUNTLAND
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/JawaabtaPuntland.mp3″]
Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed