“Puntland Waa Tusaale Wanaagsan Oo Somalida Inteeda Kale Ku Dayan Karto, Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Waan Aqaan oo Waa Nin Ka Mid Ahaa….” Cali Maxamed Geeddi
Nairobi:06-Jan-2014(SDN)-Ra’isal wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa si weyn usoo dhaweeyey Doorashadii Baarlamaanka ee Puntland Maalmo ka Hor ka dhacday.
Ra’isal Wasaare Cali Geeddi oo Dareenkiisa ka Bixinayey isbeddelka ku yimi Hannaankii Hoggaamineed ee Baarlamaanka Puntland, ayaa xusay inuu Aqoon fiican u leeyahay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Siciid Xasan Shire oo uu sheegay inay wada Shaqayn badan soo yeesheen,islamarkaana uu ka mid ahaa golihiisii wasiirrada ee xilliyadii uu Ra’isal wasaaraha ahaa.
“ Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanku waa xildhibaan waayo arag ah oo muddo badan siyaasadda ku soo jirey , guul na waan u rajaynayaa, waxana uu ka mid ahaa Golagaygii wasiirrada ee xilligii aan Ra’isal Wasaaraha ahaa, waana nin waayo arag ah oo aan si wanaagsan u aqaano.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Geeddi.
Cali Maxamed Geeddi waxa uu Maamulka Puntland ku mareertay Hanaankooda Dimuqraadiyadeed ee ka Hana qaaday Halkaas, waxana uu carrabka ku adkeeyey in somalida iyo Reer Galbeedkuba kaga dayan karaan dimuqraadiyadda, waxana uu yidhi, “Dalal badan oo reer galbeed ah ayey mudan tahay inay dimuqraadiyadda kaga daydaan Puntland,waana tusaale aad u wanaagsan oo somalida inteeda kale ku dayan karto, waayo waa curdin 15-jir ah oo haddana waxyaabo mujiso ah ku kacday, waana wax aan anigu ka filayey oo aan ku aqaanno”
Ra’isal wasaare Geeddi ayaa Noqday masuulkii ugu sarreyey ee illaa iyo Hadda si toos ah uga hadla shakhsiyadda Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, waxana laga yaabaa inay dhawaan Masuuliyiin kale ka hadlaan fikirkooda ku aaddan Guddoomiye Siciid.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com