|

Puntland Oo Xabsiga Dhigtay Nin Kenyan Dhakhtarnimo Been Abuur ah Kaga Dhex Shaqaysanayey Garowe iyo Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Hadlay

Garowe:14-March-2014(SDN)-Maamulka Puntland ayaa Xabsiga Dhigay nin Kenyan ah oo ay ku eedeeyeen inuu si been abuur ah dhakhtarnimo kaga dhex shaqaysanayey Garowe.

saadiqEnow_small1-330x220Ninka Dhakhtarnimada Been abuurka lagu eedeeyey ayaa magaciisa lagu sheegay Stephen Wengoma ayaa la sheegay inuu Xarun Caafimaad oo Dadka Cudurrada Guud lagaga Daweynayo uu ka Furtay Magaalada Garowe, waxana ay Halkaas ka wada Shaqaysan jireen Laban in kale oo Somali ah, isagoo Haweenay Soomaaliyad ahna qabay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow oo aanu khadka Telefonka kula Xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey inay ninkaas qabteen, islamarkaana qalab been abuur  oo dadka u baadhi jirey  ka qaadee, waxana ay xidheen xaruntii caafimaad ee uu fadhiisan jirey.

Wasiir saadiq ayaa ugu horrayn  faahfaahin ka Bixiyey Ninkan iyo habka uu Been abuurka u samayn jirey, “ Ninkani muddo saddex bilood ah ayuu halkan joogay, waxana uu  sitay Kombuyutar iyo Falaash uu xagga dambe ka Gelin jirey oo ay ka buuxeen Macluumd muujinaya Xubno dad kale lahaayeen Oo Xanuuno ka muuqdaan, marka uu qofku sheegto goobta xanuunaysa, ayuu tusi jirey xubinta uu sheegtay oo ugu keydsan Falaashka computorka ku jirta, halkaas oo uu qofka uga dhigi jirey inay tahay xubintiisii, waxana uu dadka u qori jirey Dawooyin Xanuun Baabi’iyayaal ah. Waxana aanu ku wareejinay Ciidanka ammaanka iyo caddaaladda.” Ayuu yidhi Wasiir Saadiq Eenow uu u warramayey Qurbejoog.com.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Ninkan u yeedheen oo ay ku yidhaahdeen intay kombutorkii Falaashtii ka Saareen bal na tus Xunbahayaga, basle ay taasi Suurogeli weyday, iyadoo taasina caddayn u noqotay inaanu Ahayn waxa uu sheeganayo.

Waxa kale oo uu wasiirku noo xaqiijiyey inay SHahaadadii uu sitay oo ay ku qornayd Jaamacadda Kenayan Universitay  ay Xidhiidh ay jaamacadii la sameeyeen ku ogaadeen inaanu Jaamacaddaas ka Soo Qalin jabin.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dadka ka qaadi jirey lacag badan oo aanay Qaadi Karin, waxana  uu dhibaato weyn ku Hayey Dadka Caafimaadkooda iyo dhaqaalahoodaba.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed