|

Puntland oo toogatay 11 danbiile

Gaalkacayo August 17, 2024(QJ)-Maamulka Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay 10-ruux oo ay maxkamadu ku xukuntay dilal qorsheysan oo loo geystay qaar ka mid ah isimada Puntland oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Shaqsiyaadka la toogtay ayaa qeyb ka ahaa kooxaha xagjirka ah, waxaana xukunkooda uu daba socday saxiixa Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Puntland ayaa baadi-goob ugu jirta 3 ka mid ah kooxihii maanta xukunka lagu fuliyay oo dhawaan ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo, iyadoo abaal-marin la siinayo cid kasta oo keenta xog sahlaysa in lasoo qabto.
Magaalada Gaalkacyo ee dhanka waqooyi ee Puntland ayaa kamid ah meelaha sida aadka ah looga daremayo ammaanka guud ee Puntland, waxaana inta badan ka dhaca weeraro ay geystaan ​​kooxaha xagjirka ah.

Comments are closed