|

Puntland oo tilaabo ka qaadeysa Burcada Baddaha

Garacad January 16, 2024 (QJ) -Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay ciidamo geeyeen magaalooyinka xeebaha ku teedsan si ay uga hortagaan kooxaha burcad badeeda ah oo dib u bilaabay weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

Ciidamada ayaa lagu amray in aysan u ogolaan kooxaha burcad badeedda ah in ay fariisimo ka sameystaan deegaanada xeebaha ah, islamarkaana ay weeraro ku qaadaan maraakiibta u adeegsata biyaha Puntland.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadooda ay ku wargeliyeen odayaasha dhaqanka in ay weerari doonaan kooxaha burcad badeeda ah meel kasta oo ay joogaan oo ay ku jiraan degaanadooda.

Magaalo-xeebeedka Puntland ee Garacad ayaa ah saldhigga ugu weyn ee ciidamadan, kuwaasoo bilaabay roondo lagu xaqiijinayo ammaanka biyaha, iyagoo ka shaqeynaya sidii loo ciribtiri lahaa khataraha burcadbadeedda iyo ilaalinta xeebaha Puntland.

Puntland ayaa tan iyo 2007 la halgamaysay sidii ay u xakameyn lahayd burcadbadeedda.

Hadda waxaa xeebaha Puntland lagu haystaa dhowr markab, iyadoo burcadbadeedda ay doonayaan in laga bixiyo madaxfurasho si loo sii daayo.

Comments are closed