|

Puntland oo soo xushay xildhibaanada SSC-Khaatumo

Garoowe December 27, 2023 (QJ) -Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in in ka badan 60 xildhibaan loo soo xulay ka mid noqoshada xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Tirada rasmiga ah ee baarlamaanka Puntland ayaa ah 66 xildhibaan, waxaana haray soogudbinta 6 xildhibaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha harsan lagu dhawaaqi doono saacadaha soo socda, waxaana loo gudbin doonaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashada baarlamaanka.

17 xubnood oo ka soo jeeda SSC-Khaatumu ayaa xukuumadu soo xushay una gudbisay gudiga xalinta khilaafaadka. Tilaabadan ayaa imaneysa ka dib kolkii uu maanta baarlamaanka SSC-Khatumo mamnuucay ka mid noqoshada baarlamaanka Puntland.
Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka baarlamaanka ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta ay ku egtahay soo gudbinta codsiga xildhibaanada.

Comments are closed