|

Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Shaqayn Dhexmarta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Garoowe Oct 08,2012(SDN/Hubaal)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa shuruudo ku xidhay la shaqeyntooda dawlada cusub ee loo dhisayo dalka Soomaaliya, iyadda oo si taxadar leh u soo dhawaysay raysal-wasaaraha loo Magacaabay dorraad.

Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu sheegay in Maamulka Puntland uu xukuumadda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kula shaqeynayo hadba sida loo fuliyo heshiisyadii kala dambeeyay ee uu ka mid ahaa Road-map-ku..

War-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu yidhi sidan “Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaadhnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaadhi lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran, waxa kale oo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sanno ka badan xadgudubyo bini’aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaadheen.

Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]

sida:

• Illaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya.

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah.

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Midhifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka”

Ka Sakow, war-saxaafadeedkan, raysal-wasaarihii hore ee Somaliya Dr Cabdi-weli Maxamed Cali (Gaas) oo isaguna maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo raysal-wasaaraha cusub ee xilka kala wareegaya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed