|

Puntland oo sheegtay in SSC ay ka qeybgaleyso doorashooyinka

Garoowe December 25, 2023 (QJ) -Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay, isla amarkaana cadeysay mowqifkeeda ku aadan go’aankii Odayaasha Dhaqanka iyo Isimada SSC-Khaatumo ee ku aadanaa ka qeybqaadashada doorashooyinka Puntland.
Wasiirka Cadaaladda Puntland, Maxamed Cabdulwahaab Axmed, oo soo saaray jawaab celin, ayaa caddeeyay inay ka go’an tahay Puntland inay ixtiraamto go’aanka odayaasha dhaqanka Khaatumo, isla markaana ay xaqiijiso in ergada ay dooranayaan lagu soo daro doorashada Puntland.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in inta ay xukuumadu ku guda jirto sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka ay soo bandhigeen SSC-Khaatumo, ay hawsha doorashadu u sii socon doonto si waafaqsan sharciga iyo nidaamka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka iyo u hoggaansanaanta mabaadi’da dastuuriga ah ee geeddi-socodka doorashada.
Jawaabtaasi waxay muujinaysaa inay dawladda Puntland ay qabaneyso doorashooyin ay ka qeybgaleyaan siyaasiyiin ka soo jeeda SSC-Khaatumo.

Comments are closed