|

Puntland oo sheegtay in Ciidamada Federaalka aaney hawlgal ka fulin Carmaloow

Garoowe May 27, 2024 (QJ) -Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aysan jirin wax howlgal ah oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen buuraha Calmadow.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu beeniyay war shalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin. War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka howlgala deegaanada Puntland.

Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa ku celisay in Puntland ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Hadalkan ka soo yeeray Puntland ayaa wuxuu jawaab u yahay hadal ka soo yeeray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Abdiraxman Yusuf, oo sheegay in Shabaabkii looga itaal roonaaday dagaaladii ka dhacay Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, ay dib isugu uruursanayaan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari ee Puntland.

Comments are closed