Puntland oo sheegtay in ay ku raadjoogto dadkii ka danbeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Galkacyo
Galkacyo Feb 12 2013 (SDN)— Saraakiisha dhanka ammaanka ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad taliyaha qeybta Booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay inay iminka hayaan raadad ku aadan cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland.
Wuxuu sheegay Sandaqad inaysan horay u aqoonin qaraxyo lagu fuliyo gaadiid miineysan laakiin iminka laga bilaabo sida uu sheegay ay ka digtoonaanayaan arintaasi.
Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in kooxaha dhibaatada kawada deeganada maamulka Puntland ay gacanta kusoo dhigi doonaan isaga oo carabka ku adkeeyay inay qaadayaan talaabo cad oo arintaasi jawaab u ah.
Shacabka deeganada maamulka Puntland ayaa wuxuu usheegay inaysan guryaha ka kireyn karin dadka doonaya inay dhibaateeyaan shacabka reer Puntland iyo masuuliyiintooda.
Shalay ayeey aheyd markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kaasi oo lagu doonaye in lagu dilo taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland hayeeshe uu soo gaaray dhaawac.
SDN-Galkacyo