|

Puntland oo Shaacisay inay Qabteen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Boosaaso ( Hubaal-W/wararka )- Ciidanka ammaanka ee magaalada Bossaso ayaa shalay  xarunta gobolka Bari ee Boosaaso ku qabtay sarkaal sare la sheegay inuu ka tirsan ururka Al-Shabaab. Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa la sheegay in dhaawac lagu qabtay.

Ninka oo la sheegay inuu ku hubaysnaa Baastoolad iyo Bambo gacmeed, ayaa rasaas uu furay intii aan la qaban waxa ku dhintay qof rayid ah oo goobta ku sugnaa.  Wasiirka Amniga dowlada Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan oo waraysi siiyey BBC ayaa ku sheegay ninkan sarkaal madax ka ah kooxaha dilalka u fuliya Al-shabaab.

Wasiirku waxa intaa ku daray inuu ka yimid koonfurta Somaaliya ,islamarkaasina labadii todobaad ee ugu danbeysey laamaha sirdoonka la socdeen dhaq dhaqaaqiisa isaga iyo rag la socday oo haatan uu sheegay inay ku raadjoogaan Boosaasona ku dhuumanyey.

Khaliif Ciise ayaa tacsi u diray ehelada qofka rayida ah ee dhintay,bulshada reer Puntland waxaa ugu baaqay inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan qabashada iyo ka hortega cid kasta oo liddi ku ah amaanka deegaanada Puntland.

SDN-Bosaaso
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed