Puntland oo qabqabtay burcadbadeed
Bossaso (QJ) -Ciidamada badda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maanta howlgal ballaaran sameeyay ayaa gacanta ku dhigay markab looga shakisan yahay in uu yahay burcad badeed Soomaali ah, hub iyo qalab sharci darro ah.
Howlgalka ayaa ka dhacay xeebta degmada Eyl oo ka mid ah meelaha caanka ku ah weerarada burcad badeeda ay ku qaadaan maraakiibta ganacsiga.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dhanka ciidamada badda Puntland ayaa sheegaya in ay wadaan baaritaano ku aadan kooxda la qabtay.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii burcad badeeda ahaa ee dhawaan markab laga leeyahay dalka Bangaladesh ka qaateen lacag dhan 5 milyan oo dollar, kaasi oo burcad badeeda Soomaalida ay sii daayeen.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgalkooda qeyb ka ah waxa ay kusoo qabteen Dooni Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, taasi oo si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Puntland ayaa dooneysa inay ka hortagto weerarada burcad badeeda ay la beegsanayaan biyaha gobolka, gaar ahaan agagaarka deegaanka Eyl.
Dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda ayaa soo laba kacleeyay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo dhowr weerar laga soo sheegay biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.