Puntland oo qabqabatay Ajaanib laga shakiyay
Bossaso May 08, 2024 (QJ) -Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaannada dhaca xeebaha, kuwaasoo lagu beegsaday dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyay ciidamada badda ee PMPF.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Doomo, Qalab, Hub iyo Shaqaale.
Gaadiidka badda ee lala wareegay ayaa waxaa ku jiray qaar laga shakiyay sharciyan, qaarna looga shakiyay inay ku lug leeyihiin burcad badeednimo, iyo kuwo kale oo aan haysan dukumentiyo sax ah.
Ciidamada ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgaladaasi ay sii socon doonaan, isla markaana ay ku xaqiijin doonaan in xeebaha Puntland ay ka nabad galaan falalka sharci darrada ah sida burcad badeedda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.