|

Puntland oo qaadacday tiro-koobka ay dowladdu soo saartay iyo Waxyaabaha ay Qoonsatay

Garowe 27.May 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Puntland ayaa ku gacan seyray sahan qiyaaseedka ay shalay soo bandhigtay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kaasoo tirada dadka Soomaaliyeed ku qiyaasay 12-milyan.

FaataxWasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Cali Axmed Faatax ayaa ku tilmaamay natiijada ka soo baxday tiro-koobka mid aanan waxbo ka jirin, oo aan sax aheyn marka la eego muddada ay qaadatay sameynta sahankaas.

Wuxuu sheegay in tirada dadka gobollada Puntland ku nool ee lagu xusay sahanka, ay ka badan tahay tiro-koobka ay iyagu hayaan oo dhan 4-milyan.

Faatax ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in shir ku saabsan tiro-koobka lagu qabto Uganda, ka hor inta aan la soo bandhigin.

Wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka, ayaa tiro-koob qiyaaseedka ay soo bandhigtay ku sheegtay in lagu saleeyey 18-kii gobol ee uu dalku ka koobnaa.

Comments are closed