|

Puntland oo mustaafurineysa Ajaanib ka tirsaneyd ISIS

Garoowe May 14, 2024 (QJ) -Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa dib xoriyadooda ugu celisay lix eedeysane oo ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko, kuwaasi oo horay uga tirsanaa kooxda Daacish.

Ajaanibtan la siidaayayayaa dib loogu celinayaa dalalkii ay ka yimaadeen, ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasaaradda Cadaaladda Puntland, si loo soo musaafuriyo.

Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay sii deysay lix dhallinyaro ah oo aan weli gaarin da’da qaan-gaarka. Dhalinyaradan oo Soomaali ah ayaa sidoo kale lagu wareejiyay wasaaradda cadaaladda si dhaqan celin loogu sameeyo si meesha looga saaro fikradaha xagjirnimada ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, Korneyl C/fitaax Xaaji Aadan, ayaa sheegay in Ajaanibtan ay isku soo dhiibeen Dowladda, ka dib markii ay ka soo baxsadeen Kooxda Daacish.

Comments are closed