Puntland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose
Garoowe Feb 25 2013 (SDN)– Dagaal 23-2-2013 ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dagaalkaasi oo u dhexeeyey ciidamo beeleed ku sugan magaalada. Mudooyinkii dambe waxaa ku qul qulayey magaalda kismaayo ergooyin aad u fara badan si ay uga qaybgalaan shirka maamul u-samaynta Gobolada Jubooyinka.
Ugu horeyn, maamulka Puntland waxa uu cambaraynaya dagaalka Kismaayo ka dhacay wuxuuna ugu baqayaa dhinacyada dagaalmaya in ay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka iskana ilaaliyaan wixii hurinaya colaada.
Waxaan xasuusineynaa in shacabka deegaankaas ay ka soo daaleen dagaal iyo colaad,
Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Fedaraalka ah in ay ka shaqayso sidii gacan looga siin lahaa dadka degaankaasi in ay dhistaan carqalad la’an maamul ku yimaada rabitaanka dadka si loo helo nabad iyo kala dambayn waarta.
Sidoo kale waxaan Beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay gacan ka gaystaan maamul u-samaynta Gobolada Jubooyinka si shacabka uga badbaadaan dagaalo hor leh oo ka dhaca degaanadaasi.
Maamulka Puntland waxa uu mar labaad ku baaqaysaa in la joojiyo colaada oo aan wax yeello mooye wax tar lahayn habayaraate.
Ugu dambeyntii, maamulka Putland waxa uu ilaahay uga baryayaa ummada Somaaliyeed in uu ku toosiyo wanaaga iyo nabadda.
—DHAMAAD—