|

Puntland oo India ka dalbtaya in Burcad-badeed loo soo celiyo

Garowe March 17, 2024 (QJ) -Maamul goboleedka Puntland ayaa codsaday in loo soo gacan geliyo shaqsiyaad ku lug lahaa afduubkii markabka MV Ruen oo ay qabteen ciidamada badda Hindiya si loogu maxkamadeeyo dhulka Puntland.

Wasiirka Dekadaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in dowladda Hindiya ay kala hadli doonaan sidii loogu soo gacan gelin lahaa kooxaha burcad badeeda ah ee gacanta lagu soo dhigay.

35 nin ayay ciidamada Hindiya ku soo qabteen howlgalladii lagu soo furtay MV Ruen oo burcadbadeeddu ay haysteen tan iyo bishii December ee sannadkii 2023-kii.

Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa xoog ku fuulay markabka xamuulka si ay u sii daayaan markabka iyo shaqaalihii la socday, iyadoo aanay wax dhibaato ah geysan.

Intaa waxaa dheer, markab xamuul oo laga leeyahay Bangladesh, MV Abdullah, oo ay la socdeen 23 shaqaale ah ayaa sidoo kale ay budhcad-badeed Soomaali ah ku afduubeen Badweynta Hindiya horaantii toddobaadka.

Comments are closed