Puntland Oo Dhirbaaxo Siyaasadeed Kala Kulantay Siyaasi Miisaan Leh Oo ay Hore Xulufo Beeleed u Soo Ahaayeen
Nairobi:Aug,04,2014(SDN/QJ)-Tirada Saraakiisha sarsare ee kasoo horjeedsanaysa Dhawaaqii Puntland ku diidday Maamulka Gobolada Dhexe ayaa soo kordhay, iyadoo Ergayga Gaar ah ee Ururka EGAD uqaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey uu noqday ninkii ugu dambeeyey ee tallaabada dawladdu Qaadday hambalyeeyey.
War Saxaafadeed uu Ergaygu ka soo saaray Magaalladda Addis Abeba ayaa waxa uu ugu hambalyeeyey Dowladda Federalka Somalia kaalinta hoggamineed ee ay ka qaadatay sidii Kooxaha saxeexay Heshiiskaasi loogu dhiirigelin lahaa Dhismaha Maamulka mideysan ee Badhtamaha Somalia.
Ergayga oo isagu ka mid ah Diplomaasiyiintii lagu casuumay Saxeexa Heshiiskaasi oo maanlintii Arbacadda ee la soo dhaafay lagu saxiixay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa ku booriyey dhinacyaddii saxeexay inay si mas’uuliyad iyo nabad xambaarsan u dhisaan Dowlad-gobaleedka Badhtamaha Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay IGAD sii wadayaan taageeradda socda ee Dowladda Federalka ku hubaal gelinayso taabagelinta Nidaamka Federalka iyo kaalinta Dowladda Federalka ee Dhismaha Maamulka cusub ee Goballadda Bartamaha Somalia.
Waxa uu sheegay in cid diidi kartaa maamulkaasi aanay jirin, ciddii ay doontaba ha ahaatee, ciddii diidana loo aqoonsanayo qas-wade.
Ogolaanshaha maamulkaasi ee Affey, Nicholas Kay iyo Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa ka dhiggan in maamulkaasi sharci yahay, cid ka hor imaan kartaana aanay jirin.
Hadalka Affey, ayaa kasii cadheysiinaya maamulka Puntland oo heshiiskaasi, si aad ah uga hor-yimid, iyaga oo sheeganaya gobolka Mudug, inkasta oo deegaan ahaan looga badan yahay.
Affeey iyo Puntland, ayaa muddo ahaa xulufo beeleed, hase yeeshee ma cadda sida iminka xaalkooda noqon doono.
SDN/QJ-
Contact@somalidiasporanews.com