|

Puntland oo dawlada dhexe cunaqabateyn dhaqaale

Garoowe March 18, 2024 (QJ) -Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in xiligaan ay dhibaato ku qabaan sidii loo heli lahaa qandaraasyada Mashaariicda Puntland.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay sida ay ugu adag tahay helida taageeradii Puntland ay ka heli jirtay hay’adaha caalamiga ah.
Juxa ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay mas’uul ka yihiin carqaladeynta habsami u socodka mashaariicda Puntland, isagoo sheegay in caqabado kala duwan ay kala kulmeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Puntland ay ku dadaaleyso sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhaqaale si ay isugu tashadaan, isla markaana ay u garab istaagaan hay’adahaasi.

Comments are closed