|

Puntland iyo Galmudug Shir ay qaadaceen oo Somalilandna ka Qeybgeleyso

Hargeysa May 29,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa ka qeybgaleysa shir dhawaan dalka Turkiga lagu qabanayo oo dhinacyada Soomaalida ee Somaliland mudada dheer aaney madal la wadaagin.

Shirkan ayaa waxyaabaha lagu eegayo waxa ka mida sidii Soomaaliya looga saari lahaa xili dawladeedka ku-meel Gaadhka ah.

Ma aha kolkii u horeysay ee Turkigu Soomaalida shir u qabto balse waa markii u horeysay ee Somaliland ay shir noocana ka qeybgasho.

Turkiga waxa hore uu u qabtay shir aduun loogu ururiyay Soomaaliya,shirkaas oo lacagahii lagu ururiyay wax looga qabtay xaalada Soomaaliya.

Xeeldheereyaasha Siyaasadaha Soomaalida ayaa isweydiinaya sababta Somaliland uga qeybgeli weydey shirkaa Lacagta faraha Badan Soomaalida loogu ururiyay.

Turkigu waxa uu ka mid yahay dalalka aaminsin isku heynta Somaliland iyo Soomaaliya,waxaanu aqoon durugsan iyo cilaaqaadba hore ula lahaa Somaliland,waxaaney aheyd fursad shirkii hore ee Turkiga Somaliland ay mashaariic horu marineed uga hesho.

Si kastaba ha ahaatee umuurta ugu cajiibsani waxa ay tahay in maamul goboleedyo Soomaaliya ka tirsan ayaa qaadacay shirka Turkiga,sababo ay ku sheegeen in ay ka mid yihiin farogelin iyo madmadoow shirka ku jira.

Madmadowga shirka waxa ka mida habka iyo hanaanka shira ay Somaliland uga qeybgaleyso.

Horena Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay u soo saartay hadal ay ku sheegtay in aaney shirkaa ka qeyngeli doonin.

Wixii jiraba waa ay soo bixi doonaan,waxaase meesha ku jirta in goaanka xukuumada Somaliland ay ku qaadatay in shirka Turkiga uga qeybgasho uu ku sii biirinayo uun tuhunkii mabda’a Xukuumada Axmed Siilaanyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed