|

Puntland iyo Galmudug oo guddi u saaray colaaada Galmudug

Gaalkacayo (QJ) – Shirkii nabadeed ee dhawaan magaalada Gaalkacyo uga socday mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa lasoo gaba gabeeyay, iyadoo laga soo saaray go’aamo la xiriira xalinta dagaal beeleedkii ka dhacay galbeedka gobolka Mudug.

War-murtiyeedka ay si wadajir ah u soo saareen madaxda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa lagu soo bandhigay saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah;

Muddo 7 maalmood gudahood ah ayaa lagu wadaa in la sameeyo guddi ka soo saarta khilaafkii beelaha Sacad iyo Leelkase, isla markaana ay fuliyaan go’aamadii ka soo baxay shirkii wada-hadallada nabadeed ee wajigii hore.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xaliyo wax kasta oo soo ifbaxay ka dib wajigii hore ee wada hadalada nabadeed,iyaga oo la kaashanaya guddiyo farsamo iyo odayaal ka soo kala jeeda labada beelood.

Guddiyada nabada, kooxaha farsamada, iyo odayaasha labada dhinac ayaa iska kaashan doona in aysan dhicin rabshado kale.

Tallaabooyinkan waxaa loogu talagalay in lagu xasiliyo gobolka laguna sii wado geeddi-socodka nabad-dhisidda.

Leave a Reply