|

Puntland ha Ku Faantee: Khayraadka Bada, Beeyada iyo Luubaanta, Dadkii lahaa Maxaa Loo Qabtay?

Waxaa ayaantaan shabakadaha wararka qora iyo kuwa la iska arko ee afsoomaaliga ku salaysan wax ka qoreen ama ay natuseen dowlada Puntland oo ku faanaynaysa beeyada, luubaanta iyo khayraadka bada. Hase yeeshee, waxaa is waydiin mudan: maxaa loo qabtay guud ahaan dadka dega xeebaha Soomaliya, gaar ahaana kuwa xeebaha Puntland dega? Jawaabtu waa waxba.
Sidoo kale, waxaa iyadan iswaydiiyey mudan in maamulka Puntland qayraadkaas ALLAH dadkaas ku manaysatay ay ku marti qaadeen bandhigaas iyo in kale. Dhinca kalena, dadkaan xeebaha dega oo aad u dulman, weligoodna aan helin wax caawinaad ah, ayaa in la xuso mudan in degaankooda uusan lahayn jidad la isku haleen karo oo ku xira magaalooyinka waawayn oo aad uga fog deegaanada xeebaha qaarkood, ayna welina dadkaas ku nool yihiin xaaladihii ay weligood ku noolaan jireen waqtigii isticmaarka iyo ka hor.
Aniga naftayda oo ka soo jeeda reer xeebeedka, ayaan waxaan magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, ee dalka maraykanka uga qayb galay shir ay qabatay hay’ada USAIDka. Waxaa dadka hay’ada u matalayey ka mid ahaa sarkaal ka soo jeeda Soomaalida degta Waqooyi Bari, ee dalka Kenya iyo gabar – iyadana, waa sida uu ii sheegaye, ah qof si aad ah arintaan ugu ololeesa oo ay: Hooyadeed ka soo jeedo jaaliyadaha dega degaanada dhul-xeebka ee Somaliland, Aabaheedna ka soo jeedo jaaliyadaha dega degaanada dhul-xeebka ee Puntland.
Waxa uu ninkaas ii sheegay in markii ay booqdeen deegaanada xeebaha ee Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Puntland ay ay halkaas ku arkeen dad aad u tabaalaysan oo aan weligood dowlad macaakeeda arag. Waxaase ka yaabiyey in dadkii ay kula kulmeen deegaanada xeebaha Puntland ay yiraahdeen “waxaa magac dowladeed noogu danbaysay dowladii (AUN) Abdirishiid Ali Sharma’arke, taas oo iyadana aan wax noo qaban, wax ay naga goyso maahee”
Waxa uu sarkaalkaas ka socday USAIDka intaas ku daray in ay muuqato in deegaanadaas dowladihii hore iyo kuwa hada jirantoona aysan aaminsanayn in ay wax u qabteen, ka soo bilow: Dowladihii Isticmaarka ka dib la dhisay, Dowladii Militeriga, Doladihii ku meelgaarka ahaa, Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ama Dowlad Goboleedyadaba hada jira ALLAHA ka dhigee.
Marka aqristow, waxay ila tahay in ay waajib tahay in waxa xaqa aan ka hadalno – marka dadka xeebaha dega, ha ahaadeen kuwa dega: Somaliland, Puntland, Jubbaland iyo GalMudg/Ximan iyo Xeeb ama meelaha dhulxeebeedka Soomaaliyeed oo aan maamul gaara ka dhisnayn, waa in aan ka warqabo dadka reer xeebeedka madaama ay dulman yihiin dhanac kasta oo nolosheeda laga eego, oo welina ay ku nool xaaladii ay ku noolaayeen waqtigii isticmaarka ama ka hor.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN ee dalka Maraykanka – Junlay99@aol.com

Comments are closed