Punt Land iyo Alshabaab oo Midba Dhankiisa Ku Lib Sheegtay Dagaalkii Buuralayda Galgala
Garowe 03.Oct 2014 (SDN/QJ)- Dagaal ku dhex maray Maamul goboleedka Puntland iyo kooxda Al-Shabaab eek u sugan buuraylada Gal-gala,ayay labada dhinac ka sheegteen guulo mid kastaaba uu dhankiisa ka gaadhay dhanka kale ee ay dagaalameen.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay ku qabsadeen howlgalkan saldhiggii ugu weynaa ee Al-shabaab ay ku lahayd buuraleyda galgala, isagoo xusay in howlgalkani uu ahaa mid qorsheysan.
“Dhankayaga hal askari ayaa nooga shahiiday, Al-shabaabna khasaare aad u badan ayaa loo geystay, balse ma sheegi karo lambar go’an,” ayuu Gaas ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da.
Dhinaca kale madax hawlgalada kooxda Al-Shabaab Abuu Muscab oo warbaahinta taageera kooxda Al-Shabaab la hadlay,ayaa sheegay in ay dagaalkaa ka gaadheen guulo millatari islal markaana waxaa uu sheegay in ay dahnkoodu dileen ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland isla markaana ay dagaalkaa ku qabteen tiro maxaabiis ah oo aanu sheegin waxaanu intaa ku daray in ay ku jiraan ugu yaraan laba sarkaal 20-ka askari ee uu shegay abuu Muscab in ay dagaalka ku dhex maray buuralayda gal-gala ciidanka Maamul goboleedka Puntland.
Ma jiraan warar madaxbannaan oo ka hadlaya xaqiqada dagaalka ka dhacay gal-gala ee dhex maray Puntland iyo kooxda Al-Shabaab.
Garowe SDN/QJ