|

PSF oo qabqabatay xubno ka tirsan Daacish

Bossaso June 07, 2024(QJ)-Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ee loo yaqaano PSF ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo Ajaanib ah oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaasi oo la sheegay inay ka badbaadeen weerarkii 31-kii bishan ka dhacay Buuraha Calmis ee Gobolka Bari.

War ka soo baxay ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in labada nin ee ajnabiga ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Tanzania laga soo qabtay deegaan fog oo qiyaastii 30 KM u jira halka uu weerarku ka dhacay.

Muwaadiniinta Ajaanibta ah ee la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cimraan Mohamed Calawi iyo Mabruuk Nasoor Saciiddi, kuwaasi oo da’dooda lagu qiyaasay ilaa 25 sano jir. Waxaa lagu xiray xog sirdoon oo ciidan oo ay bixiyeen ciidamada.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhawaan duqeymo dhanka cirka ah waxa ay la beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Daacish oo ku sugnaa deegaanka Af-cad ee buuraleyda Calmis, waxaana duqeymahaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray xubno ka tirsan Daacish iyo ajaanib.

Comments are closed