|

Prof Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo Kormeer ku Maray Degsiimooyinka Magaalada Baydhaba

Baydhaba 02.April 2014 (SDN)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta kormeeray qeybo ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jawaari-furitaan-300x240Kormeerka Jawaari ee magaalada ayaa la sheegay inuu ugu kuurgalayo saameynta rabshadaha siyaasadeed ay ku yeesheen magaalada iyo sidii dib loogu furi lahaa waddooyinka ku xirmay qalalaasaha.

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada ayaa saaka lagu arkayay gaadiid iyo booyadaha biyaha oo waddooyinka ka nadiifinaya taayarro la gubay iyo dhagxaan badan.

Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka magaalada inay dhawraan xasilloonida, kana hor-tagaan falal kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed