|

Prof Gees oo Sharaxay Aragtidii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee Mudo Kordhinta,Calaamatul Su’aalna dul dhigay Go’aamada Dib u dhaca doorashooyinka ee Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa 22.Aug 2014 (SDN/QJ) HProf. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ee Somaliland, ayaa ka hadlay mowqifkii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka qabay muddo-kordhinta loo sameeyo golayaasha qaranka marka xilligoodu dhammaado, isagoo calaamad-su’aal dul-dhigay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo hadda ka qaadan doono muddo-kordhinta oo uu xusay inuu aad u necbaa xilligii mucaaridka.

 

geesProf. Gees oo maqaal uu u bixiyey Dharaaro Xusuustood, toddobaadkiina soo baxa maalinta Khamiista, qormadiisa 30aad ee maanta kaga hadlay go’aan aan la shaacin oo marxuum Cigaal ka qaatay muddo-kordhin sannad ah oo Golaha Guurtidu u sameeyey golihii hore ee wakiillada sannadkii 2002, xilligaasoo marxuum Cigaal xaalad caafimaad u joogay dalka Koonfur Afrika oo uu markii dambe ku geeriyooday.

Qoraalkaas oo dhinacyo badan taabanaya, kuna faahfaahiyey doorkii uu shaqsi ahaan ku lahaa diyaarinta xeerka doorashooyinka iyo habka loo yaqaan is-xambaarka ee lagu xusay mudanayaasha wakiillada ee ka soo jeeda degaannada bari ee aan doorashooyinku ka dhicin, waxa uu u qornaa sidan:

“George Santayana waxa uu ahaa faylasuuf u dhasay dalka Isbeyn (Spain). Waxa uu cilmiga falsafadda ka dhigi jiray Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka. Hadal-hayskan caanka noqday ee la soo xigto isaga ayaa leh. “Those who can not remember the past, are doomed to repeat it” amma “Kuwa xusuusan kari waaya, waayihii soo maray, waxay ku inkaaran yihiin inay dib ugu noqdaan.” Waa kii abwaan Maxamuud Ismaaciil Qaasim-na lahaa “Ma raadkaan dorraad dhigaan Dib ugu soo laabtay?”

Golihii Wakiillada ee beeluhu soo xusheen ee hawlgalay bishii May sannadkii 1997, waxa muddada xilku kaga ekayd May 2002. Biishii Abriil ayaa marxuum Cigaal loo qaaday dalka Koonfur Afrika arrimo caafimaad dartood, iyadoon wax go’aan ah laga gaadhin xilligii golaha oo dhammaanayey.

Golaha Guurtida ayaa sannad korodhsiimo ah u ansixiyey, sida uu dhigayo Qoddobka 42aad ee Dastuurku. Waxay arrintaas ku tallaabsadeen iyagoon codsi ka hayn Madaxweynaha. Yuusuf Garaad (madaxii hore ee Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da) oo aan ballansanayn ayaa ila soo xidhiidhay, aniga oo qolkii cusbitaalka la jooga marxuum Cigaal oo ay weheliso marwo Kaltuun Xaaji Daahir. Waxa kale oo qolka ku sugnaa Dr. Cali Qaaddi, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, marxuum Cabdiraxmaan Ducaale iyo Dr. Iqbaal oo ahaa Wakiilka Somaliland ee Koonfur Afrika, haddana waddankiisa safiir uga ah dalka Ereteriya.

Waxaan isku xidhay Yuusuf Garaad iyo marxuum Cigaal. Waraysiga oo dheeraa, waxa Yuusuf ugu dembayntii weydiiyey, in wax farriin ah oo uu u diraya marxuum Cigaal dadweynaha Somaliland. Marxuum Cigaal waxa uu yidhi; “Waxaan maqlayaa Golaha Wakiillada ayaa muddadii loo kordhiyey. Arrintaas waxba kama jiraan…” Waraysigaasi waxa uu ahaa habeenkii Arbacadu soo gelaysay ee bishu ahayd 1-dii May.

Markii aan huteelkii ku laabtay ayaa Yuusuf Garaad ila soo xidhiidhay oo yidhi; “Ma sii daayaa warka Madaxweyne Cigaal ee ku saabsan kordhinta muddada Golaha Wakiillada ee Guurtidu ansixisay?” Waxaan u sheegay inuu ka gooyo qaybtaas waraysiga, waayo waa laga qurux badan yahay inaannu ku xidhiidhino BBC-da, marka aan waddankii ku noqonno ayaan u dhiganaynaa arrintaas. Marxuum Cigaal waa kii Allaystay bishii May saddexdeedii. Marxuumku ma rabin in wax la kordhiyo, wuxuu se rabay in Goluhu iska kala huleelo marka waqtigoodu dhammaado, oo deeto doorasho la qabto. Tii Ilaahay ayaa timi oo sidaas ayey ku hirgashay mudda-kordhintii Golaha Wakiillada ee ugu horreysay, dabadeed waxay noqotay tusbax la furay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markuu mucaaridka ahaa had iyo jeer marka muddada Madaxweynihii hore ee Rayaale loo kordhiyo odhan jiray, Miyaanay xad lahayn muddo-kordhintu ma la wadayaa uun, immimsa goor ayaa kordhinayaa? Bal aan waayaha dhawrno hadda oo uu isagii kursiga fadhiyo waxa uu yeelo! Bishii May 2003 ayey muddadii haddana ku dhammaatay. Mar labaad ayaa Golaha Guurtidu u kordhisay laba sanno oo kale oo ku ekeyd May 2005.

Sannadkii 2005 anigoo xukuumaddii Rayaale la iga ruqseeyey oo markaas ah Agaasimaha Fulinta Akademiyada Nabadda iyo Horumarinta, ayaa markale hawshii Golaha Wakiilladu ii soo gashay. Marxuum Axmed Maxamed Adan (Qaybe) oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aabbahay Siciid Maxamed Gees ay macruuf weyn ahaayeen, soona wada shaqeeyeeyn muddo dheer, anigana aannu muddo wada shaqaynay, ayaan ku martiqaaday inuu nagu soo booqdo xafiiska Akadamiyada. Waa uu ajiibay oo noo yimi oo dhex fadhiistay hawl-wadeennadii Akademiga.

Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) waxa uu fadhigaa noogu sheegay in ilaa hadda aannu jirin Xeerkii Doorashada ee Golaha Wakiillada, wax mashruuc sharci ah oo arrintaas ku saabsanna aannu ka hayn xukuumadda, Guddigii Golaha ee xeerka u xil-saarnaydna waxba ma soo wadaan, inkasta oo loo diray, kharashkiina la siiyey.

Waxa aan u sheegnay haddii uu codsi nagu weydiisto in khabiir la sameeya xeerka aannu hawshaas gacan ka siin karno. Sidaas ayuu ku yimi Rubin Samora (madaxii hay’adda Interpeace) oo caan ku noqday Somaliland. Kharashkiisa waxa bixinayey oo noo soo diray Safaaradda dalka Britain ee Addis Ababa uga wakiil ahayd. Markii Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtiduba cod saddexdii meeloodba ay laba meelood (2/3) ku ansixiyeey Xeer Doorasho oo ka dhigayaa doorashada mid aan la qaban karin, ayaan Safiirka Britain ku wargelinnay, maadaama ay hawsha ku jireen oo kharashka khabiirka bixinayeen. Waxa uu la kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale oo ku adkeeyey in qabsoonto doorashadu. Sidaas ayuu ku dhiirraday mudane Daahir Rayaale oo Maxkamadda Sarre la tiigsaday xaajadii. Go’aankaas maxkamadda oo doorashadii in la qabto suurtogeliyey.

Ilaa markii loo gudbay nidaamka axsaabta badan, waxa laga sanqadhiyey waxa laga yeelayo degmooyinka bariga Somaliland ee aan maamulku gaadhin. Doorashadii dawladaha hoose dhib ma jirin, oo intii laga qaban karayey ayaa laga qabtay doorashadii, kuwii kalena sidii hore ayaa loo magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeen. Dastuurka ayaa sidaa dhigaya.

Doorashadii Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa isna dhibaato looma arag, oo intii laga codeeyey ayuun baa lagu dhaqmay. Waxa dhibtu timi markii loo gudbay Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha waxa soo dooranaya saddexda xisbi oo ku tartamaya doorashada. Sidee laga yeelaa degmmoyinka aan doorasho ka dhacayn xildhibaanadooda? Madax-dhaqameed ma magacaabi karto, dawlad ma magacaabi karto, maxaa la yeelaa ? Arrintaas ayaa turunturo ku noqotay doorashadii oo Madaxweyne Rayaale ka maagay.

Waxannu arrintaas kaga shirnay saddex qof oo ay saamayso oo kala ahaa marxuun Qaybe oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo aniga oo aan xil qaran hayn, haseyeeshee Akademiyada madax ka ah. Saddexdayadu waxa aannu ka soo jeednaa degmooyinka bari. Waxa aannu isku daynay inaannu helno qaab loo furdaamiyo arrinta oo doorasho ku qabsoonto.

Habeenkii dambe ayaa wax igu soo dhacday habka loo bixiyey is-xambaarka, kaas oo ahaa, in tiro loo reebo degmooyinka gobolka ee aanay ka dhacayn doorasho. Xisbiyadu ay liis keenaan magacyada uga soo baxaya degmooyinkaas, dabadeed lagu kala qaybsado oo sidaa loogu kala guulaysto degmooyinka gobolka ee doorashadu ka dhacday.

Sidaas ayaa loo helayaa xildhibaanno xisbyiin ah oo Golaha soo wada gala, waxase muuqata dadkii degaanku inaanay soo dooran. Habkii waxa lagu magacaabay is-xambaarka. Waxa uu arrintii Axmed Xaaji Cali Cadami u gudbiyey mudane Daahir Rayaale oo aqbalay in lagu daro Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada, taas oo uu fuliyey marxuum Qaybe.

Xubnaha ku soo baxay habkan is-xambaarku, war iyo wacaal kama hayaan cidda dhalisay fikraddan iyo cidda ka hawlgashay sidii ay u hirgeli lahayd. Bal aan dhawrno sida markan looga dabbaasho!” ayuu Prof. Maxamed Siciid Gees ku soo gunaanaday qoraalkiisa.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed