Prof Galaydh oo Daboolka ka Qaaday War Cusub oo uu ku Sheegay inuu Is Casilay
Saax dheer 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Cali Khaliif Galaydh oo maalintii khamiistii ee ay nu soo dhaafnay tuulada Saaxdheer ee gobolka Sool loogu doortay Madaxweynaha kooxda la baxday Khaatumo State,ayaa guushii doorashadiisa maalin ka dib ku dhawaaqay is-casilaadisa.
Cali Khaliif Galaydh oo intaan khamiistii dorraad loo dooran Madawynaha kooxda Khaatumo State,ayaa wuxuu ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,laakiin markii xilkan loo doortay maalintii khamiistii ayuu maanta oo sabti h ku dhawaqay in u iska casilay xubinnimadii baarlamaanka Soommaaliya isagoo tilmaamay in aanay sharci ahayn in uu ahaado xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya hayona xilka Madaxweynaha Khaatumo State,waxaanu ugu dambayn go,aansaday in uu doortay in uu u madax bannaanaado xilka Khaatumo State oo kaliya.
Xildhibaankan Is-casilay ee loo doortay Madaxweynaha kooxda Khaatumo,ayaa dawladda Soomaaliya ka dalbaday in ay Kaatumo State u aqoonsato Maamul goboleed ka mid ah maamulada Soomaaliya,kana taageerto dhinacyda dhismaha maamulka.
Cali Khaliif Galaydh,ayaa Madaxweyne u ah koox aan deegaan toos ah oo ay ka talisaa aanu jirin marka laga reebo degmada Buuhoodle iyo tuulada Saaxdheer oo lagu doortay.
Waxaana dhinacyada ka xiga Somaliland oo uu dagaal u dhexeeyo iyo Maamul goboleedka Puntland oo qudhooda xabadi dhex taallo,iska markaana dhulka uu sheeganayo in uu madaxweyne u yahay ayaa deegaan ahaan ka tirsan Somaliland,halka ay ku muran san yihiin Somaliland iyo Puntland.
Saax dheer SDN/QJ
contact@qurbejoog.com