Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Sheegay In Xil-ka qaadista Saacid Laga Soo Abaabulay Madaxtooyada Somalia
Muqdisho:03-Dec-2013 (SDN-Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ooh ore isugu soo taagay jagada madaxweyne-nimo ee Soomaalia, ayaa ka hadlay go’aankii ay qaateen baarlamaankas Somalia ee ay xilka kaga qaadeen xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaare Saacid.
Prof Samatar ayaa bogaadiyay hadalka uu jeediyay shalay ra’iisal wasaaraha Somaaliya ee ah in uu aqbali doono go’aan kasta oo ka soo baxa fadhigga baarlamaanka, wuxuu kaloo ku tilmaamay in uu noqday dhibane siyaasadeed.
Prof Samatar ayaa dhinaca kale sheegay in qof kasta oo lagu bedalo Saacid isla markaana fulin waaya danaha madaxweynaha in uu mari doono jidka Saacid sida uu hadalka u dhigay.
War uu goordhow ku soo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yidhi “Raysal Wasaare Cabdi Faarah Shirdon Sacid , waa nin geesi ah markaan arkay qaabka uu u aqbalay go’aanka ay gaadheen raga xildhibaanada ah ee madaxtooyada Somaliya laga soo abaabulay , lakin waxan ku tilmami kara inuu yahay Political Victim ama dhibane siyaasadeed, Tani waxay cashar u noqon doonto nin walba oo lagu badalo saacid marku fulin wayo danaha gaarka ah ee madaxweynaha in lacag loo adeegsan doono xilkana laga qaadi doono.”
Axmed Ismaaciil samatar ayaa noqonaya aqoonyahankii ugu horreeyey eek a hadla xilka qaadista ra’iisal wasaaraha, isagoo ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
S.D.N