Pooliiska Puntland oo qabtay qalab lku socday ISIS
Garoowe March 03, 2024 (QJ) -Ciidamada Booliska Puntland gaar ahaan qeybta Gobolka Nugaal ayaa deegaanka Kontaroolka Galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Garoowe ku qabtay gaari iyo qalab loo waday kooxaha ka dagaalama buuraleyda Puntland.
Ciidamada ayaa gaariga la wareegay, waxayna xabsiga dhigeen shaqsiyaadka la qabtay oo tiradooda lagu sheegay 5 ruux oo kala ahaa afar rag ah iyo hal qof oo dumar ah, kuwaasi oo laamaha amaanka ay dabagal ku hayeen.
Xarunta CID-da ee gobolka Nugaal ayaa horay u helay siro muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ka jira gobolka oo ay ku jiraan shaqsiyaad iyo gaadiid lala xiriirinayo falal laga shakisan yahay, gaar ahaan kuwa ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya.
Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa uga digaya dambiilayaasha iyo dadka ku lugta leh gaariga la qabtay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, iyadoo shacabka Puntland ka codsatay in ay la shaqeeyaan hay’adaha sharciga si tallaabo sharci ah looga qaado kooxaha dambiilayaasha ah.