Policeka Columbus oo hawlgalo ka wada xaafadaha Soomaalida,maxey tahay sababtu?
Columbus June 27,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Policeka ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa hawlgalo nabada lagu sugayo ka bilaabay xaafadaha Soomaalidu ku badan tahay ee Franklin.
Soomaalida ku nool xaafadaas ayaa ka cawday in dhalinyaro burcadnimo ka wado xaafadahooda isla markaana loo baahan yahay in Policeku hawlgalo fuliyaan.
Xaalada amaan ee xaafada Franklin ayaa circa isku shareertay ka dib kolkii ay gabar 15 jir ahi haleeshay xabad ay rideen burcada.
Xabada ayaa gabadha ka haleeshay madaxa xili ay ku jirtay qol aqalkooda ka mida iyada oo aaney in ay dhaawacntayna cidi hore u ogaan.
Dhalinyaradan burcada ah ayaa la sheegay in ay yihiin qaar ka yimaada xaafado kale isla markaana la socda in Soomaalida soogelootiga ahi aaney sharciyada isdifaaca si wanaagsan u garaneyn.
Dhalinta burcada ah ayaa dhalinyaro,caruur iyo waayeelba isku si u weerara oo ka dhigay wax ay boobeen iyo qaar ay waxyeelooyin kale oo jir dili ka mid yahay ugeysteen.
Waa markii u horeysay ee hawlgalo noocana ay policeku ka sameeyaan xaafadaha Soomaalidu degentahay ee weerarka lagu hayo.
SDN/QJ-Columbus
contact@qurbejoog.com