|

Police-ka Nairobi oo Eastleigh ka helay Aqal walxaha qarxa lagu farsameeyo

Nairobi April 07.2014(SDN)-Ciidamada dalka Kenya oo hawlgalo amniga lagu sugayo ka waday magaalada Nairobi khaasatan xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa helay goob walxaha qarxa lagu farsameeyo.

Taliyha ciidamada Police-ka ee Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in aqalka laga helay agab lagu sameeyo walxaha qarxa iyo qoraalo kale.

Taliyuhu waxa kale uu sheegay in dadkii aqalkaa ku jiray ay baxsadeen balse la helay waraaqo aqoonsi oo sheegaya in ruuxii halkaa degenaa uu ka diiwaan geshan yahay xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

“Walxaha Chemicals-ka ah ee la qabtay waa qaar Qatar ah,waxaana loo baahan yahay in shicibku gacan naga siiyaan sugida amniga”ayuu yiri taliyuhu.

Taliyaha Police-ka ee Nairobi ayaa sheegay in haatan la wado olole lagu soo qabanayo ruuxa guriga walxaha qarxa uu u kireysnaa.

Ciidamada amaanka ee Nairobi ayaa maalmihii u danbeeyay xabsiyada ku guray dad ka badan 1000 oo u badan dad aan heysan.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed