|

Philippe Lazzarini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Jowhar

Jawhar 20.Aug 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay, Philippe Lazzarini ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Philippe-Lazzarini-300x199Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa booqashadiisa ku tilmaamay mid ay ugu kuurgalayay xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta gobolka.

Wafdiga ayaa isugu jira hay’adaha World Health Organization, hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF, hay’adda UNDP, UNOCHA iyo INTERSOS.

Nabaddoon Xasan Qaasim Qeyley oo ka mid ah waxgaradka gobolka oo kulan la qaatay wafdiga ayaa Bar-kulan u sheegay inay wafdiga u gudbiyeen warbixin ku saabsan baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira gobolka.

Wafdiga oo markii hore ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa isla maanta dib ugu laabtay Muqdisho.

Jawhar SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed