Paris: Qoys Afrikaan 5 qof ka koobnaa oo dhamaantood Shil Diyaaradeed ku dhintay!!!
Paris January, 5 2013 (SDN/AP)- Qoys u dhashay dalka Morocco ayaa Sabtida maanta ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Faransiiska.
Siday ku warantay Associated Press, qoyskan reer Marooko oo shan qof ka koobnaa waxay dhinteen xilli ay dib ugu laabanayeen gurigoodii, markii ay diyaaradoodii ku burburtay waxyar uun ka dib markii ay ka duushay madaar u dhaw deegaanka nasashada loo tago ee Alps ee dhinaca Koonfur-bari ee dalka Faransiiska, siday masuuliyiintu sheegeen.
Diyaaraddan laba-mishiinlayda ahi waxay jiidhay buur, waxayna ku burburtay deegaanka cawlayda ah oo ka baxsan magaalada Grenoble oo marin u ah deegaanka nasashada ee Apline.
Bruno Charlot oo ah masuul maxali ah, waxa uu sheegay in dhammaan qoyskaas shanta qof ka koobnaa ee diyaaradda saarnaa ay dhinteen.
Warku wuxuu intaa ku daray, in duulyihii diyaaraddaas oo ay la socdeen xaaskiisii iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ay ku socdeen dalkoodii ay u dhasheen ee Morocco, ka dib markii ay waqti yar ku qaateen Faransiiska.
Diyaaraddu waxay galabnimadii Sabtidan maanta ka duushay madaarka magaalada Grenoble, iyadoo si degdeg ah looga waayay raadaarka.
Hase yeeshee, Mr. Charlot waxa uu sheegay in cimiladdu ay wanaagsanayd, isla markaana haatan la baadhayo shilkaas, si loo caddeeyo waxa sababay burburka diyaaraddaas.
Qurbejoog.com, Paris
editor@somalidiasporanews.com