|

Pakistan: Wiilka ay dhashay Raysul-wasaarihii la toogtay oo shaacinta hawshiisa siyaasadda ku beegay Sannad-guuradii 5aad ee dilkii hooyadii

Islamabad Dec.27, 2012 (SDN/AP)- Wiilka 24 jirka ah ee ay dhashay Raysul-wasaarihii hore ee dalka Pakistan Benazir Bhutto, ayaa daah-furka shaqadiisa siyaasadda ka jeediyay khudbad kulul oo uu ku beegay sannad-guurada shannaad ee dilka hooyadii.

Siday faafisay wakaalada wararka ee AP, Bilawal Bhutto Zardari waxay khudbadda uu Khamiista maanta jeediyay timi dhawr bilood ka hor waqtiga la rejaynayo in Doorashooyinka guud ee qaran ka qabsoomaan dalkaas.

Mr Bilawal Bhutto oo uu aabo u yahay Madaxweynaha xukunka haya ee Asif Ali Zardari, shaqsiyan aad buu da’ ahaan ugu yar yahay inuu doorashooyinka ka qaybgalo, laakiin waxay u dhowdahay inuu kayd muhiim ah u noqdo xisbiga talada Pakistan haya ee PPP.

Wiilkani waxa uu guddoomiye u noqday xisbiga PPP markii ka dib geeridii hooyadii, laakiin waxa uu ilaa waqtigaas u badnaa inuu dhamaysto waxbarashadiisa Jaamacaddeed ee gudaha dalka Ingiriiska. Aabihii Zardari oo hadda Madaxweyne ahi, waa la-guddoomiyaha xisbigaas.

Wiilka iyo Aabihii, waxay hadal ka hor jeediyeen kumanaan taageerayaal ah oo dhoola-caddaynaya, kuwaasoo Khamiistii maanta isugu soo ururay xaafadda Garhi Khuda Bakhsh ee Koonfurta gobolka Sindh ee dalka Baakistaan, goobtaas oo madxaf-xasuuseed u ah qoyska reer Bhutto ee haweenaydii Raysul-wasaaraha ka soo noqotay dalkeeda ee shan sannadood ka hor la toogtay.

Mr Bilawal waxa uu soo hadal-qaaday khaarajintii siyaasadeed ee Awawgii Zulfikar Ali Bhutto oo Madaxweyne ka ahaa dalka Pakistan, hooyadii Benazir Bhutto oo iyana Raysul-wasaare ka soo noqotay dalkaas iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga PPP, wuxuuna dhacdooyinkaas ku macneeyay masiibooyin ka dhan ahaa Dimoqraadiyadda ee soo maray.

“Waxaanu keenay Dimoqraadiyad, waxaananu noqonaynaa kuwa ilaaliya,” ayuu yidhi wiilkaas oo uu dhinac taagnaa aabihii Madaxweyne Asif Ali Zardari. “Xisbiga dadka Pakistan (PPP), wuxuu ilaalin doonaa Dimoqraadiyadda,” ayuu yidhi Bilawal Bhutto Zardari oo ah guddoomiyaha xisbiga PPP. “Fekerka togani waxa uu muhiim u yahay Pakistan,” ayuu raaciyay hadalkiisa. “Shaqada PPP ma dhammaanayso ilaa inta qof kasta ka helayo Roti Kaapra, Makan (Cunto, Dhar iyo Guryo),” ayuu yidhi guddoomiye Bilawal.

Qurbejoog.com, Islamabad

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed