|

Pakistan: Wiil 12-jir ah Oo Loo Guuriyey Gabadh 8-jir ah Iyo Waalidiintii dhashay Oo Xabsiga Lagu Guray

Isamabad:Sep,03,2014(SDN/QJ)-Tuulo ku taalla dalka Pakistan, ayaa wax aka dhacay munaasibad aroos ah oo la iskug guuriyey wiil 12-jir ah iyo Gabadh 8-jir ah, taas oo noqotay mid si weyn shacabka dalkaasi u hadal hayaan.

marideCiidamada Booliska gobolka Balkh ee Waqooyiga Dalka Afghanistan ayaa xabsiga dhigay Waalidiintii dhalay labadan caruur ee la isku guuriyay ,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeeyeen guurka ilmahaasi aan qaangaadhin.

Wargeysyada iyo baraha bulshada ee Dalka Afghanistan ayaa lagu baahiyay Muuqaalo muujinaya Wiilka 12-sano jirka iyo gabadha 8-jirka ah ee la isku guuriyay, arooskan ayaana ka dhacay Tuulo ku dhaw soohdinta Dalka Tajikistan.

Dalka Afghanistan waxaa ku badan gabdhaha yar yar ee loo guuriyo Raga ka waaweyn, waxaana Dalkaasi sharci daro ka ah in caruurta yar la isku guuriyo ama gabdhaha rag ka waaweyn loo guuriyo.

Xadhiga waalidiinta labadan caruur ah dhalay ayaa loola jeedaa sidii meesha looga saari lahaa in carruur aan xilligii guurka gadhin si fudud la iskug guuriyo, waxana su’aalo wali la weydiinayaan waalidiinta carruurtan isku guurisay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed