Orodyahan Pistorius Oo Ka Badbaaday Eedihii Dilka ahaa ee Loosoo Jeedinayey
Pretoria:Sep,12,2014(SDN/QJ)-Oroyahanka caanka ah ee Oscar Pistorius oo loo Haystay inuu si badheedh ah u dilay Saaxiibadii Reeva ayaa gebi ahaanba lagu waayey Dembigaas.
Garsoore Thokozile Masipa, ayaa sheegtay in dacwad soo oogaha dowladda uu ku guul dareystay in uu maxkamada ka hor caddeeya in ninkan oradyahanka ah uu si ula kac ah ugu dilay saxiibaddiis.
Kol sii horreysay, garsooraha waxa ay su’aalo galisay sida loogu kalsoonaan karo qaar ka mid ah makhraatiyaasha maxkamada oo ay sheegtay in ay suurtagal tahay in aanayba maqlin qeylo iyo rasaas sida ay iyaga ku dodeen.
Oscar Pistorius, ayaa oohin la dhacay markii ay garsooraha sheegtay in lagu waayey dambigaasi, balse waxaa lagu wadaa maalinta ay xaakimka soo gudbisa xukunkeeda la xidhaadha dacwad kale.
Dacwada kale ee xukunkeeda la sugaya ayaa ah in uu si kama ah u dilay saaxiibadiis, dambigaas oo haddii lagu helo ciqaabtiisa ay noqon karto 15 sano oo xadhig ah.
Pistorius waxa uu beeniyey eedeymaha loo heysta, waxa uuna sheegay in uu toogtay saaxiibadiis isagoo u haystay in ay ahyed tuug u soo dhacay.
Oscar Pistorious, waa nin ku caan baxay tartamada orodka, waxa uuna ahaa qofkii ugu horreeyey oo cuuryaan labada lugood l’a oo ka qeyb gala ciyaaraha oradada caalmiga ah.
SDN/QJ